Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland oo safar shaqo ku jooga Degmada Rako ee Gobalka Karkaar.

September 29, 2020 - Written by Editor

RAko:-Wafti uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad oo safar shaqo ku gaaray Degmada Rako ee Gobalka Karkaar.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Mudane Maxamed Dhabancad waxaa safarka ku wehlinayey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Puntland iyo Agaasimaha Waaxda Dowladdaha Hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL iyo Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka Gobalka Karkaar.

Ujeedka safarka Waftiga uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL ayaa ku saabsan kormeer shaqo iyo dhismaha maamulka iyo Golaha deegaanka Degmada Rako yo wacyi galinta Hannaanka Geedi Socodka Dimuquradiyada Puntland.

Waftiga uu hogaaminayey Wasiirka Waxaa Degmada Rako ku soo dhaweeyey Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Maamulka Degmada Rako, odayaasha dhaqanka Iyo baqolaal kamid ah shacabka Degmada Rako.

DHAMMAAD.
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA FEDERALKA IYO DIMUQRAADIYEYNTA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
September 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online