Xaflada tababar loogu soo xirayo Ciidanka Puntland oo lagu qabtay Xerada Ciidamada Xorgoble ee degmada Qardho.[Masawiro]

September 16, 2020 - Written by Editor

Qardho:-Waxaa maanata lagu qabtay Xerada Ciidamada Xorgoble ee degmada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar xaflad loogu soo xiraayo tababar Ciidamada Boliska dowladda Puntland ee sida gaarka ah u tababaran.

Xerada Xorgoble waxaa booqaday Wasiirka Maaliyadda ahna Gudoomiyaha gudiga Mudane Xasan Shire Cabdi, Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Gen Yaasiin Cumar Dheere, Taliyaha Ciidamada Booliska Gen Cabdiyare Xasan, Gudoomiyaha maxkamada sare Ciidamada qalbka sida ee Puntland Gaashale sare Maxamuud Cabdi Maxamed iyo Saraakiil kale.

Ciidamadan dhowaan lafilaayo in loo xiro tababarka ay mudada qaadanaayeen ayaa ah Ciidamadii horay loo oran jiray Birmadka Boliska balse dib uhabayn lagu samayeey.

Qaban qaabada xaflada ayaa siwayn looga dareemayaa Xorgoble waxaana lafilaayaa in uu ka soo qayb gali doono Madaxwayne ku xigeenka Dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan.

Dawladda Puntland ee uu hoggaaminaayo Madaxwayne Dr Siciid Cabdulaahi Deni waa mid ka go’an tayaynta Ciidamada Puntland.

Baahintii

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Leave a comment

*

Archives
September 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online