18 ka mid ah Militariga Soomaaliya iyo taliyahooda oo weerar lagu dilay

October 15, 2020 - Written by Editor

Ugu yaraan 18 ka tirsan ciidanka milatatiga dawladda Soomaaliya ayaa lagu dilay weerar dhabbagal ah oo shalay galab ka dhacay duleedka degmada Afgooye.

Ilo kala duwan ayaa noo sheegay in ciidanku ay ku jireen rondo ay ka sameynayeen nawaaxiga tuulada Bullalow markii weerarka lagu soo qaaday.

Askarta dhimatay waxaa ka mid ahaa Gaashaanle Dhexe Cabdalle Cali Mire oo ciidanka haystay.

Dhinaca kale ciidanka la weeraray ayaa la sheegay inay dagaalameen oo ay maleeshiyaad ka dileen Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa iyagu sheegtay tiro intaasi ka badan inay dileen. Saraakiisha milatariga Soomaaliya ayaan weli rasmi ahaan uga hadlin weerarkan.

VOA Somalia
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
October 2020
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online