Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay xukuumadda cusub.[Dhagayso]

October 24, 2020 - Written by Editor

Muqdisho:-Kulan uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal oo Golaha Shacabku ay maanta yeesheen ayay ku ansixiyeen xubnaha golaha wasiirada ee uu dhowaan magacaabay Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisulwasaare Rooble oo baarlamaanka la hadlay ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ahmiyadda koowaad siin doonto qabsoomidda doorashooyinka dalka ka dhacaya, iyo sugidda amniga goobaha doorashooyinka. Waxaa kale oo uu sheegay in ay dardargelin doonaan la tacaalidda xanuunka COVID-19.

Intaas ka dib ayay Golaha Shacabku waxa ay codka kalsoonida u qaadeen golaha wasiirada, iyadoo 188 xildhibaan ay oggolaadeen ansixinta xukuumadda cusub. Guddoomiyaha baarlamaanka oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in aysan jirin cid diiday ama ka aamustay.

Wariyaha VOA Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixintan ka soo diray Muqdisho.


VOA

Leave a comment

*

Archives
October 2020
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online