Dagaalka Azerbaijan iyo Armenia oo sii xoogeystay

October 5, 2020 - Written by Editor

Baku:-Dagaalka u dhaxeeya ciidamada Armenia iyo Azerbaijan ayaa maanta kasii xoogeystay gobolka la isku haysto ee Nagorno-Karabakh, ayada oo ay sii kordheyso cabsida la xiriirta khasaaraha dadka rayidka ah, kadib markii dhinacyada ay billaabeen inay madaafiic ku garaacaan magaalooyin waa weyn.

Gooni u goosatada gobolka Karabakh ee Azerbaijan balse asal ahaan kasoo jeeda Armenia, ayaa sheegay in dagaalka uu ka socdo forumaha magaalada caasimad goboleedka ah ee Stepanakert, halkaasi oo madaafiic culus lagu garaacayo.

Wasaaradda gaashaandhigga Azerbaijan ayaa Iyana sheegtay in ciidamada Armenia ay madaafiic ku garacaayaan dhowr magaalo, oo ay ka mid tahay magaalada labaad ee dalkaas ugu weyn ee Ganja, taasi oo markii ugu horreysay la garaacay Axaddii.

Madaafiicda sii kordhaya ee lagu garaacayo magaalooyinka waa weyn ayaa kordhiyey cabsida laga qabo inuu sii kordho khasaaraha dhimashada dagaalka, oo mar horeba ay ku dhinteen 250 qof.

Dagaalka oo billowday Sabtidii 27-ka September, ayaan weli labada dhinac aysan muujineyn wax astaamo ah oo ay ku doonayaan xabad-joojinta ay ku baaqayaan xubnaha beesha caalamka.

Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa Axadii ka dalbaday Armenia inay waqti u qabato inay ka baxeyso dhulalka Azerbaijan, haddii aan taas la helin aanu dagaalku marnaba joogsan doonin.

VOASomalia
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
October 2020
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online