Guddiga Shuruucda & Caddaaladda Golaha Wakiillada Puntland oo kulmay

October 17, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Guddiga Shuruucda & Caddaaladda Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa Xarunta Golaha kulan kula qaatay Madaxda Wasaaradda Caddaaladda, Arrimaha Diinta, Dhaqan-celinta Iyo Dastuurka DPL.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiir ku xigeenka, Wasiiru Dawlaha iyo Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda, Arrimaha Diinta, Dhaqan-celinta Iyo Dastuurka DPL, Waxayna mas’uuliyiinta Wasaaraddu Guddiga uga warbixiyeen wixii u qabsoomay, caqabadaha jira iyo guud ahaan shaqooyinka socda.

Dhinaca kalena, waxa uu Guddigu Wasaaradda la wadaagay warbixin ku aaddan kormeerradii Guddigu ku tagey Gobollada Puntland, gaar ahaan cabashooyinkii ka yimid Maxkamadaha & Maxaabiista ku xiran xabsiyada iyo talooyin ku aaddan nidaamka Xabsiyada iyo Garsoorka dalka Puntland.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Leave a comment

*

Archives
October 2020
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online