Madaxtooyada Puntland iyo Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha oo kulmay.[Masawiro]

October 17, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Shirkan oo labadii bilood ay mar iskugu yimadaan Madaxtooyada Puntland iyo Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Madax banaan ee Dowladda Puntland ayaa maanta ka furmey magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Shirkan ayaa waxaa si gaar ah diirada loogu sarayaa qodobo ay kamid yihiin sidii wada shaqeyn dhow u yeelan lahayeen Agaasimayaasha Guud,Mideynta Akoonada Wasaaradaha Dowladda iyo Jihaynta mashruucyada dowladda.

Agaasimah Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Maxamed Cabdi rshiiid oo ka hadlay shirka ayaa sharaxaad ka bixiyey ujeedka shirkan.

Mudane Maxamed Cabdirashiid, oo guddoomiyey Shirka ayaa agaasimeyaasha guud hay’addaha Dowladda la wadaagay qorshaha wadashaqeyn joogto ah, si loo horumariyo shaqooyinka ay dowladdu u hayso bulshada iyo in ay jirto kala war qaadasho la iskula xisaabtamo shaqada socota oo qeyb ka ah Yoolka dowladda ee ku dhisan.

Agaasime Kuxigeenka Bankiga Dowladda Aniiso Cabdirixmaan iyo Xisaabiyaha Guud Dowladda Cumar Saalax Aadan ayaa dhankoooda ka hadlay mideynta koontada xisabaadka ee Wasaaraddaha dowladda iyo Hay’addaha dowladda .

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Maaliyada Puntland Mudane Faysal Cabdulaahi Warsame ayaa sheegay in ay Wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa banaan ee dowladda ay bishan lagu jiro dhamaadkeedka ka furtan Bankiga dowladda akoono tasoo qayb ka noqon doonta qorshayaal hirgalin doonta mideynta hal Akoon oo ay yeelan doonaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyigalinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dawladda Puntland

Leave a comment

*

Archives
October 2020
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online