Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhaweeyey Garoowe.[Masawiro]

October 18, 2020 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay Garoowe.

Soo dhoweynta Madaxweynaha waxaa ka muuqatay guusha iyo doorkii muhimka ahaa ee uu ka qaatay Shirarkii lagu go’aaymiyey doorashada Soomaaliya ee la mudeeyay.

Madaxweynaha waxaa kusoo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha ee Garoowe, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye ku-Xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Goleyaasha Dowladda , Saraakiisha Ciidamada , Maamulka Gobolka iyo kan degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada magaaladda Garoowe.

Madaxweyne Deni oo fagaaraha Barxada kula hadlay dadweynaha, wuxuu uga mahadceliyay soo dhoweynta , Madaxweynaha ayaa la wadaagay Bulshada In Dowladda Puntland Shacabkeedu ay mar walbo door muhim ah ka qaadanayaan dhismaha dowladdnimada Soomaaliyeed.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Comments are closed.

Archives
October 2020
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online