Madaxweyne Farmaajooo la kulmay Ehelada iyo Qaraabadii Allaha u naxariistee Prof Cali Khaliif

October 12, 2020 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan tacsi ah la qaatay ehelada iyo qoyska Ra’iisul Wasaarihii Hore ee dalka Marxuum Cali Khaliif Galeyr ee ka soo qeyb galay Aaskii-qaran ee loogu sameeyey Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay qoyska iyo qaraabada marxuumka in maamuuska Qaran ee Dowladda Soomaaliya ay u sameysay Ra’iisul Wasaare Cali Khaliif ay ka tarjumeyso sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay u xasuusan yihiin doorkii uu ka qaatay dowladnimada iyo horumarinta dalka.

“Geerida, Alle ha u naxariistee, Ra’iisul Wasaare Cali Khaliif Galleyr ma ahan mid kaligiin gaar idin taabatay ee waxa ay ahayd mid si murugo leh ay wadajir u dareemeen shacabka Soomaaliyeed, maadaama Marxuumku uu dowladnimadeenna kaga tagay raad muuqda.”

Dhankooda, Ehelada iyo qaraabada Marxuumka ee kulanka qeybta ka ahaa ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya maqaamka sarreeyey ee lagu soo dhaweeyey iyo aaska Qaran ee loo sameeyey Ra’iisul Wasaarihii Hore Marxuum Cali Khaliif Galeyr.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashiid Maxamed Xaashi
Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
October 2020
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online