Madaxweyne Ku Xigeenka Gal-Mudug koormeer Hawleed ku tegay Xarunta Wasaarada Maaliyada.[Masawiro]

October 1, 2020 - Written by Editor

Dhuusamareeb:-Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Galmudug Md. Cali Dahir Ciid Oo Maalmahan waday kormeer ku aadan u kuurgelidda Howlaha Hay’adaha Dowliga ah iyo Wasaaradaha ayaa maanta koormeer Hawleed ku tegay Xarunta Wasaarada Maaliyada oo udub-dhexaadka u ah wasaaradaha GMS.

Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Maaliyadda Md. Mukhtaar Cali Cismaan ayaana xarunta Wasaaradda ku soo dhaweeyey.

Mudane Cali Ciid ayaa ka dhagaystay warbixin guud oo ku saabsan Wasaaradda, Wasiirka Kuxigeenka wasaarada isagoona sidooo kale indha-indheeyey Waaxyaha & Qaybaha kala duwan ee Wasaarada Maaliyada Gal-Mudug.

Wuxuu ku ammaanay Masuuliiyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda sida quruxda badan oo ay u gudanayaan waajibaadka loo xilsaaray isagoona faray inay sii dardargeliyaan adeega ay bulshada u hayaan.

Hoggaanka cusub Galmudug ayaa wada qorshe ku aadan hagaajinta hanaanka maaliyadeed ee DGM iyadoona horraantii sanadkan lagu guulaystay dejinta miisaaniyad ku saleysan qarashaadka dowladda iyo daqligeeda, ilaha daqligana la habeyey, taasoo horseeday inuu kordho daqliga gudaha ka yimaada.

—-DHAMMAAD—–
WARFAAFINTA MADAXTOOYADA GM.

Leave a comment

*

Archives
October 2020
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online