Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka qeyb galay shirka lagu hormarin degmooyinka Puntland

October 27, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta soo xiray shirka Soo bandhigidda waxbadalka aragtiyaha Dowladahaha hoose ee sharciga Law Number-7 qorshaha fog ee Machadka Dowladaha Hoose iyo xojinta Xiriirka iyo wadashaqaynta gobolada iyo Degmooyinka Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa bogaadiyey mashaariicda horumarin ee ka socda degmooyinka, wuxuuna faray masuuliyiinta sii dardargelinta horumarka, xoojinta wada-shaqeynta Degmooyinka iyo Gobolada iyo dhaqangelinta sharciga cusub ee Dowladdaha hoose ee Law-7 si uu hirgalo qorshaha Maamul daadejinta.

Shirkan oo maalmo socday waxaa ka qeybgalay Maayarada degmooyinka, Isu-duweyaasha, Guddoomiyeyaasha Gobolada Puntland ee ay ka socdaan mashaariicda horumarin ee JPLG, Machadka Dowladdaha Hoose ee Puntland, Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland oo Shirka soo diyaarisay iyo Wasaaraddaha kala shaqeeya mashaariicda horumarin ee degmooyinka.

—DHAMMAAD—

Comments are closed.

Archives
October 2020
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online