Puntland oo ka tacsiyeysay Geerida Prof Cali Khaliif Galeydh.

October 8, 2020 - Written by Editor

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Garoowe :-Madaxweyne Ku-xigeenka, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Goleyaasha Dowladda ayaa ka tacsiyeeyey Geerida Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galayr oo ku geeriyooday Jigjiga.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxa uu tiiraanyada geerida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya la qaybsanayaa, ugana tacsiyaynayaa ummadda Soomaaliyeed, Shacabka reer Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii, iyo qoyskii uu ka baxay Marxuumku. Waxa uu Alle “SWC” uga baryey inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, Jannatul Fardawsa ka Waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND
.

Comments are closed.

Archives
October 2020
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online