Wasaaradda Caafimaadka PL oo Gaalkacyo ka daahfurtay shaybaarka lagu baaro Covid19.[Masawiro]

October 6, 2020 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Wasaaradda caafimaadka Puntland oo kaa shanaysa Wold Vision ayaa maanta magaalada Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ka furtay shaybaarkii saddexaad ee Puntland lagu baarayo caabuqa Covid19.

Daahfurka maanta waxaa ka qaybgalay wasiirkuxigeenka wasaaradda Abdinaasir Yusuf Xaaji oo uu weheliyo agaasimaha guud Dr Abdirisaaq Xirsi Xasan oo shalay safar shaqo ku tagay magaalada Galkacyo.

Shaybaarka maanta laga daahfuray magaalada Galkacyo ayaa noqonaya kii saddexaad oo lagu baari doono Covid19, wasaaaradda ayaa horay labo shaybaar hirgalisay magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso.

Shaybaarkaan ayaa loogu talagalay in lagu baaro dadka dagan gobolka Mudug iyo deegaanada ku dhaw. Agaasimaha Guud Dr Abdirisaaq iyo wasiirkuxigeenka Abdinaasir oo hadal kooban ka jeediyay furitaanka shaybaarka ayaa hoosta ka xariiqay in shaybaarkaan loogu talagay sidii looga jawaabi lahaa baahiyaha dadka deegaanka ku nool ayna ugu fududaan lahayd in dhakhso ay uhelaan jawaabtooda dadka iskaga shakiya xanuunka.

Wasiirkuxigeenka wasaaradda ayaa sidoo kale uga mahadceliyay hay’adda World Vision inay kala qaybqaadatay helitaanka shaybaarkan.

Wasaaradda ayaa culayska saartay tan iyo markii xanuunka uu soo gaaray soomaliya sidii looga haqabtiri lahaa bulshada Puntland helitaanka shaybaarada lagu baaro xanuunka aduunka saameeyay ee Covid19.

Dhamaad-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
October 2020
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online