Wasaaradda caafimaadka Puntland oo shaybaarkii 4aad ee Covid19 ka furtay Gobolka Sanaag.

October 23, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa magaalada Baran ee Gobolka Sanaag ka furtay xaruntii 4aad ee lagu baarayo xanuunka Covid19.

Wasaaradda oo ka shaqanaysay sidii loo balaarin lahaa loona gaarsiin lahaa inta badan gobolada Puntland xarumaha shaybaarka ee lagu baaro Covid19 ayaa magaalada Baran ee Gobolka Sanaag ka dhigtay midii 4aad ee laga furo. Shaybaarkaan ayaa waxaa xanuunka looga baari doonaa dadka ku nool gobolada Sanaag iyo Haylaan.

Waxaana uu meesha ka saari doonaa in dadka ku nool goboladaasi ay baaritaano usoo doontaan gobolada uu ka furanyahay.

Shaybaarkaan ayaa noqonaya kii 4aad ee laga furo deegaanada Puntland iyadoo ay horay uga furnaayeen Gobolada Nugaal, Bari iyo Mudug, waxaana wasaaraddu qorshaynaysaa in gobolada kalena laga furo.

—–DHAMAAD—–
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

251,103 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>