Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland oo ku sugan degmada Xarfo

October 13, 2020 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen.Cabdi Xasan Xuseen ayaa kormeer ku tagay kantaroolka Cashuuraha Wasaaradda Maaliyadda ee degmada Xarfo ee gobolka Mudug.

Wasiirka Maaliyadda Puntland iyo xubnaha wehelinaya oo muddooyinkii ugu dambeeyay hawlo shaqo ku joogay degmada Xarfo ayaa warbixin kooban ka dhageystay kooban ka dhagaystay shaqaalaha caahuuraha Kastamla W/Maaliyadda ee degmada Xarfo.Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa kula dardaarmay shaqaalaha iyo mas’uuliyinta inay ilaaliyaan amaanada loo dhiibay oo ay ku shaqeeyaan karti iyo hufnaan.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa kadib usoo ambabaxay xarunta gobolka Mudug ee Gaalkacyo, waxayna ku yara ha kadeen deegaanka Cagaaran oo hoos timaada degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Waxayna kulan is-xog waraysi ah la qaateen odayaasha iyo maamulka deegaanka Cagaaran.Odayaasha reer Cagaaran ayaa Wasiirka uga mahad ceshay shaqada uu dalka iyo dadka Puntland u hayo iyo sidoo kale shaqada wanaagsan ee uu ka qabatay diiwangalinta iyo tirakoobka ciidanka difaaca Puntland. Wasiirka ayaa dhankiisa aad ugu dheeraaday sida loogu baahanahay inay shacabku qeybtooda ka qaataan dhinacyada horumarka iyo amaanka guud ee dalka.

Mudane Xasan Shire iyo mas’uuliyinta ku weheliyey safarka ayaa soo gaaray degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Wasiirka Maaliyadda Puntland iyo wafdiga uu hoggaaminayo ay maalmaha soo socda tababaro kale duwan u furidoonaan ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan qeybo kamid ah gobolka Mudug.

BaahintiiXaafiska Warfaafinta iyo Wacyigalinta Wasaaradda MaaliyaddaDowlada Puntland

Leave a comment

*

Archives
October 2020
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online