Abiy Ahmed oo xubno sare eryey xilli dagaalka uu sii xoogeystay

November 8, 2020 - Written by Editor

Ra’iisul Wsaaraaha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa xilalka ka qaaday taliyihii ciidamada, madaxii sirdoonka iyo wasiirkii arrimaha dibedda, ayada oo militariga ay maalinkii shanaad wadaan dagaal ka socda gobolka Tigrayga.

Abiy Ahmed ayaa shaqo ka eryiddan ku dhawaaqay maanta, ayada oo dagaalka uu kasii darayo, kuna sii riixayo Ethiopia dagaal sokeeye.

Xafiiska Abiy oo warkan ku shaaciyey barta twitter-ka ma sheegin wax sabab ah oo loo sameeyey isbeddelladan.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Berhanu Jula oo ahaa taliye ku-xigeenkii ciidamada “hadda loo dalacsiiyey taliyaha ciidmada.”

Abiy Ahmed ayaa weli wada ololaha uu Arbacadii ku dhowaaqay ee ka dhanka ah gobolka Tigrayga, inkasta oo ay jiraan codsiyo ka imanaya beesha caalamka oo ku saabsan inuu wada-hadal la galo xisbiga maamula gobolkaas ee TPLF.

Dhinaca kale, ku dhowaad 100 askari oo Ethiopian ah ayaa dhaawacyo looga daweeyey gobolka Amhara ee waqooyiga dalkaas, sida ay maanta sheegeen saraakiil caafimaad, taasi oo muujineysa in dagaalka uu sii xoogeysanayo.

Khasaarahan ayaa imanaya ayada oo Abiy iyo hogaamiyayaasha militariga ay ku faaneen guulo ka dhan ah ciidamada daacadda u ah TPLF.

Isgaarsiinta oo laga jaray gobolka Tigrayga ayaa adkeyneysa in la xaqiijiyo hadallada kasoo baxaya mas’uuliyiinta, hase yeeshee waddooyinka gobolka Amxarada ayaa inta badan lagu arkayaa baabuurta gurmadka deg degga ah oo isbitaallada ula ordaya askar dhaawac ah.

Dhaqtar ku sugan magaalada Sanja ayaa AFP u xaqiijiyey in 98 askari laga daweeyey dhaawacyo xabadeed.

“Waxaan haynaa 98 kiis, dhammaantoodna waa ciidamo ka tirsan kuwa dowladda,” ayuu dhaqtarka oo qariyey magaciisa u sheegay AFP.

Waxa uu sheegay in dhaawcayada lasoo gaarsiiyey ay yihiin kuwa fudud, hase yeeshee dhaawacyada halista ah la geeyey isbitaallada waa weyn ee magaalada Gondar iyo magaalooyinka kale.

AFP + REUTERS
VOA Somalia

Comments are closed.

Archives
November 2020
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online