Dufcadii 2aad ee ciidanka Daraawiishta PL oo tababar uga furmay degmada Badhan.[Masawiro/Video]

November 22, 2020 - Written by Editor

Badhan:- Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay Dugsigga Tababaradda Ciidamadda Daraawishta ee qaybta degmada Badhan Tababarkii Dufcadii 2aad ee ciidanka Daraawiishta Puntland waxaan ka soo qayb galay maamulka degmada Badhan, Taliyaasha ciidanka ee bixinaya tababarka iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka daraawiishta Puntland.

Ilaa iyo intii xilka uu qabtay Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa waxaa lagu sameeyey Ciidamada Puntland qaybahood kale duwan dib-u-habayn waxaa loo sameeyey tababaro ay ka soo baxeen dufcado kale duwan.

Dhinac kale Afhayeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland Jamaac Deperaani oo ka qayb galay munaasabada Tababarada dufcadii 2aad ee ciidamada daraawiishta ee tababarku uga furmay degmada Badhan ayaa soo dhaweeyey waxaan uu ciidmaada ugu baaqay in ay ka soo dhalalaalaan tababarka la siinayo.

Abaanduulaha Ciidammada difaaca dowladda Puntland Gen. Siciid Maxamed Khaalid (Gorayacawl) ayaa la hadlay 400 Askari oo kamid ah Ciidanka Daraawiish-ta Puntland tababar uga furay dugsiga tababarada Ciidanka ee Jenaraal Giriin ee Degmada Badhan.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2020
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online