Golaha Wakiilada Puntland oo ansixiyey Xeerka Isgaar siinta Puntland

November 14, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Fadhiga 13-aad ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan, ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman iyo ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Maalintii 3-aad ayay Xildhibaanada Golaha Wakiillada DPL qodob-qodob uga doodeen Xeerka Isgaarsiinta Dowladda Puntland iyo lifaaqa Khidmadaha xeerka isgaarsiinta, iyagoo ugu dambeyntiina cod gacan-taag ah ku ogolaadeen 36 Mudane, halka 1 mudane diiday, 1 mudanana ka aamusay.

Lifaaqa Xeerka Isgaarsiinta ayaa si faah-faahsan uga hadlay Khidmadaha ay bixinayaan Isgaarsiinta, Boostada, Madbacadaha, Wargeysyada, Warbaahinta madax-banaan, Telefishinada iyo adeegyadda xiriirka ee ka hawl-gala Puntland.

Xeerka Isgaarsiinta Puntland oo ka koobnaa 38 Qodob ayaa lagu kordhiyey Qodobo muhiim ah oo ka hadlaya Iska hor-imaadka danaha isdiidan, shuruucda codsiga Ruqsada, Ganaax iyo Dhaqan-gal waxa uuna bedeli doona xeer sharci Lr. 15 ee 17-12-2007 kuna saabsanaa Isgaarsiinta iyo Khidmadaha.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Leave a comment

*

Archives
November 2020
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online