Golaha Wakiillada DPL oo aqbaly codsi uga yimid Madaxweyne Deni oo ahaa dhammeystirka heshiiska PL iyo DP-word.[Video]

November 29, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan, ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman iyo ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 49 Mudane ayaa Xildhibaannada Golaha Wakiillada DPL loo gudbiyey codsi Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullahi Denni oo ahaa inay socoto dhammeystirka heshiiska Puntland iyo P&O Port ( DP-World) Dekadda Boosaaso, isla markaana loo daayo Golaha Xukumadda, iyagoo ugu dambeyntiina cod gacan-taag ah ku oggolaadeen 38 Mudane, cid diidayna ma jirin, waxaana ka aamus 11 Mudane.

Dhinaca kalena, maalinta Isniinta 30 Bisha November, 2020 ayaa Golaha Wakiillada Dawladda Puntland yeelan doona kulanka La Xisaabtanka Golaha Xukumadda.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Comments are closed.

Archives
November 2020
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online