Guddomiyaha Aqalka Sare oo Magacaabay xubnaha gudiga doorashada xildhibaanada Somaliland.

November 21, 2020 - Written by Editor

Guddomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdilaahi ayaa magacaabay 8-da Xubnood kuwaas oo noqon doona  Guddiga Deegaan Doorashada Xildhibaannada ka soo jeedda Gobolada Waqooyi (Somaliland)  Guddomiyaha Aqalka  ayaa warmurtiyeed uu soo saaray waxaa uu madaxada DFS ka dalbaday in xubnaha uu magacaabay lagu daro guddiga doorashooyinka Qaranka.

Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka u dhexeeya DFS iyo mucaarada kaas oo salka ku haya  guddiga doorashooyinka dadban gaar ahaan xubnaha gobolada Waqooyi.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee dalka ayaa horey uga soo horjeestay Guddiyada Doorashada heer Federaalka iyo kuwa maamulada gaar haan kawa Somaliland.

M_M Deeq

Halgan.net

Comments are closed.