Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo gaaray Badhan.[Masawiro]

November 21, 2020 - Written by Editor

Badhan:-Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo uu wehliyo, Gudoomiye ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman, Wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan DFS iyo Dawladda Puntland, Isimo, Maamulka Gobolka Sanaag, kan degmada Badhan, Shacab iyo masuuliyiin kale ayaa magaalada Badhan kaga qayb galay aas qaran oo Loo sameeyey Afhayeenkii isimada Puntland, Marxuum Garaad Cabdulaahi Cali Ciid oo dhawaan ku geeriyooday dalka Turkiga.

Gudoomiyaha ayaa salaatul Jinaasada iyo aaska kadib u duceeyey Marxuum Garaad Cabdulaahi Cali Ciid oo ka mid ahaa hormuudka Golaha dhaqanka Puntland, kana shaqeyn jiray nabadeynta iyo xallinta khilaafadka bulshooyinka.

“Waxaan maanta halkan ku aasnay marxuum Garaad Cabdulaahi Cali Ciid oo kamid ahaa tiirarka Dowladnimada Puntland, Alle naxariistii Jano ha siiyo inagana Samir iyo iimaan Alle ha inaga siiyo, nin Rabbi yaqaan oo caadil ah buu ahaa, si gaar ah waxaan uga tacsiyaynayaa Golaha dhaqanka, eheladiisa iyo guud ahaan bulshada Puntand ” Ayuu yiri Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland.

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Leave a comment

*

Archives
November 2020
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online