Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland oo daah furay Barnaamijka Iskaashiga Caalamiga ah ee Waxbarashada Puntland.[Video]

November 11, 2020 - Written by Editor

Garoowe:- Waxaa saaka Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Caalamiga ah ee Waxbarashada Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa markii uu si rasmi ah u daafuray Iskaashiga Caalamiga ah ee Waxbarashada Puntland, wuxuu ku bogaadiyey Madaxda Wasaaradda shaqada wanaagsan ee ay hayaan, isagoo muujiyay muhiimada ay Dowladdu siinayso in la horumariyo Waxbarashada.

Barnaamijkan Iskaashiga Caalamiga ah ee Waxbarashada Puntland oo ay wadashaqeyn leeyihiin, Iskaashiga Horumarinta Waxbarashada Adduunka ee (GPE), waa qorshe lagu horumariyo Waxbarashada qeybaheeda kala duwan, iyadoo xoogga la saarayo deegaamada ka fog fog magaalooyinka waaweyn.

Kulanka waxaa Madaxweyne ku-xigaanka kala qeybgalay Masuuliyiinta Waaaaradda Waxbarashada, Xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda, Madaxda Hay’addaha kala shaqeynaya Wasaaradda Barnaamijkan oo uga qeybgalay kulanka hab maqal iyo muuqaal ah, qaar ka mid ah ardeyda Puntland iyo marti sharaf kale.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
November 2020
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online