Madaxweynaha Gal-Mudug oo shir gudoomiyey shirka Golaha wasiiradda Gal-Mudug

November 3, 2020 - Written by Editor

Dhuusamareeb:-Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu hareer fadhiyo ku xigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid ayaa Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiiradda oo maanta looga hadlay qodobo kala duwan, laguna meelmariyey afar (4) Hindise sharciyeed.

Kulanka ayaa ugu horreyn warbixin la xiriirta amniga looga dhageysatay wasiirka Amniga Gudaha oo golaha usoo bandhigay qorshaha Dib u xorreynta Deegaanada maqan.
Golaha ayaa go’aamiyey in la xoreeyo deegaanka kujira gacanta argagixisada.

Sidoo kale shirka ayaa lagu soo hadalqaaday falkii gurracnaa ee todobaadkan ka dhacay Cabudwaaq. waxaana hoosta laga xariiqay in gacanta lagu soo dhigo shaqsiyaadkii geystay fal-danbiyeedkaas.

Golaha wasiiradda ayaa go’aamiyey in si Daahfuran loo soo xulo Agaasimeyaasha Guud Ee Wasaaradaha. Waxayna u xilsaareen guddi ka kooban wasiiradda wasiiraddaha; Maaliyadda, Shaqadda, Waxbarashadda, iyo Caafimaadka iney ka gacansiiyaan Hay-adda Shaqaalaha Rayidka DGM arrintaas.

Ugu danbeyntii Golaha ayaa kulankooda ku meelmariyey Sharciyada kala ah; Sharciga Nootaayada,Sharciga Guddiga Adeegga Garsoorka, Sharciga Kaluumeysiga iyo Sharciga Shirkadaha Ganacsiga.


DHAMMAAD.

Leave a comment

*

Archives
November 2020
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online