Madaxweyne Farmaajo oo u Hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle iyo ku xigeenkiisa

November 11, 2020 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Mudane Yuusuf Axmed Hagar oo maanta ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee ka qabsoontay Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Guddoonka, Xildhibaannada Baarlamaanka iyo Guddigii Doorashooyinka Hirshabeelle daah-furnaanta iyo habsami u socodka ay ku maamuleen hannaanka doorashadan oo wadajirka ay uga soo shaqeeyeen dhammaan shacabka, waxgaradka iyo masuuliyiinta deegannada hirshabeelle

“Waxaan ugu hambalyeynayaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne K/Xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Mudane Yuusuf Axmed Hagar xilalka loo doortay maanta, anigoo ka rajeynaya in ay u horseedan bulshada deegaannada Hiirshabeelle xasillooni, amni, midnimo,caddaalad iyo horumar loo dhanyahay”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku dhiirri-geliyay shacabka iyo maamulka Hirshabeelle adkeynta midnimada iyo wax wada qabsi miro-dhal ah oo horseeda horumar ay si wadajir ah ugu tallaabsadaan bulshada deegaanka, taas oo xasillooni ka abuuraysa deegaanada Hirshabeelle, nolol iyo mustaqbal wanaagsanna u ah bulshada.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Farmaajo ayaa Alle uga baryay Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle iyo Ku xigeenkiisa in ay ku guuleystaan gudashada waajibaadka culus ee horyaalla, bulshada deegaankana ay ku hagaan caddaalad iyo horumar waara.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
November 2020
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online