Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Kormeeray dhismeyaasha cusub ee lagu kordhinayo Madaxtooyada

November 15, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kormeeray dhismeyaasha cusub ee lagu kordhinayo Qasriga Madaxtooyada kuwaasi oo meel wanaagsan maraya iyo sida ay u socoto horumarinta bilicda xarunta Madaxtooyada.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa xarumaha uu kormeeray waxaa ka mid ah dhismaha hoolka shirarka ee weyn, qeybta casriga ah ee loo dhisayo soo dhoweynta martida oo booqashada ah, dhismeyaasha xarumo kulan oo cusub iyo beerta nasashada ee xarunta Madaxtooyada taasi oo kor uqaaday bilicda Qasriga Madaxtooyada.

Koormeerka waxaa Madaxweyne ku-xigeenka ku weheliyey Agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda ee Madaxtooyada Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud Geedi, oo la wadaagay Madaxweyne ku-xigeenka warbixinta shaqada dhismeyaasha ka socda xarunta madaxtooyada oo meel gebogebo ah maraya.

—-DHAMMAAD—–
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Comments are closed.

Archives
November 2020
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online