Puntland oo joojisay in Cashuurta Dekadda Boosaaso lagu qaado Shillin Soomaali

November 30, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi oo tixraacaya talo-bixinta Guddiga dowladdu u xilsaartay sicir-bararka ayaa ku amray Wasaaradda Maaliyadda Puntland in aan kastamka Dekedda Boosaaso, cashuurta Dowladda lagu qaadikarin lacagta shillin Soomaaliga.

Ku: Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Og: Xisaabiyaha Guud Ee Dowladda Puntland

Og: Hanti Dhowrka Guud Ee Dowladda Puntland

Og: Bangiga Dowladda Puntland

Ujeeddo: Joojin Qabashada Shillin Soomaaliga ee cashuurta Kastamka Dekedda Boosaaso.

Iyadoo laga duulayo talo bixinta Guddiga Dowladdu u xilsaartay sicir-bararka. Laga billaabo 1-da December 2020, waxaa la joojiyey in aan kastamka Dekedda Boosaaso, canshuurta Dowladda lagu qaadi-karin lacagta Shillin Soomaaliga.

Fulin wacan

Siciid Cabdullaahi Deni
Madaxweynaha Dowladda Puntland

Leave a comment

*

Archives
November 2020
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online