Ra’iisul Wasaare Rooble oo Golaha Ammaanka QM uga warbixiyay xaaladda Soomaaliya.

November 23, 2020 - Written by Editor

Baydhabo:-Ra’iisul Wasaare Rooble oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay u jeediyay Golaha Ammaanka, ayaa sheegay in howlaha doorashooyinku marayaan meel wanaagsan, guddiyadii loo xulayna ay howlo wanaagsan hayaan.

Qoondada haweenka ee 30% ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in la xaqiijin doono doorashada dhacaysa, waxa uuna yiri” Way naga go’an tahay in aan ilaalinno qoondada haweenka ee 30%, xeer hoosaadkii baarlamaanku dhawaan ansixiyay ayaa si cad u qeexaya in ujeeddada loo socdaa tahay in matalaadda haweenku gaarto 50%”.

Dhanka amniga ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay ciidammada Qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay guulo wax ku ool ah ka soo hoynayaan dagaalka ay kula jiraan argagixisada.

Ra’iisul Wasaarre Rooble ayaa sidoo kale khudbaddiisa kaga hadlay horumarrada ay dowladda Soomaaliya ka sameysay dhinaca dhaqaalaha iyo dakhli ururinta, taas oo uu sheegay horumar wanaagsani ka jiro.

Mar uu ka hadlayay dhinaca xorriyatul qowlka iyo saxaafadda waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in dowladdu garawsan tahay kaalinta muhiimka ah ee saxaafaddu ku leedahay geeddi socodka qaran dhiska, isagoo intaa ku daray in la ansixiyay xeerka saxaafadda oo warfidiyeenka u dammaanad qaadaya in ay xorriyad ku shaqeeyaan.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu intaa ku daray in dowladdu dib u habeyn ku sameysay habka xiriirka warbaahinta ee xafiisyada muhiimka ah, si ay saxafiyiintu u helaan xogo ku saabsan qorsheyaasha iyo howlaha dowladdu hayso.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale Golaha Ammaanka uga warbixiyay xaaladda xanuunka COVID-19 ee Soomaaliya iyo dadaallada dowladdu kula tacaaleyso.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2020
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online