Taliska Booliska Gobalka Bari oo qabtay gacan ku dhiiglayaashii ku dilay duleedka magaalada Boosaaso Naciimo Cabdi Maxamed.[Video]

November 3, 2020 - Written by Editor

Boosaaso:-Taliska Booliska Gobalka Bari ayaa caawa Shaaciyay in ciidanka amniga Gobolka Bari ay gacanta ku soo dhigeen 2 gacan ku dhiigle oo ku dilay duleedka magaalada Boosaaso gabar yar oo lagu magacaabi jiray Naciimo Cabdi Maxamed 24-10 lagana helay meydkeeda duleedka Bosaaso.

Taliska Booliska Gobalka Bari ayaa sheegay howl galo socday maalmihii la soo dhaafay ka dib xog ay helleen ciidanka waxaa lagu guulaystay in la qabto arxan laawayaashii dilka foosha xun u geystay Naciimo Cabdi Maxamed.

Taliska ciidanka Gobolka Bari ayaa u sheegay in arxan laawayaashaan laga soo qabtay bariga magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari iyagoona qirtay in ay masuul ka ahaayeen dilkaiyo weliba kufsi ay kula kaceen allaha u naxariistee Naciimo Cabdi Maxamed.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud iyo Xeer ilaliyaha gobalka bari Bashiir ayaa warbaahinta u sheegay in Cadaalada la hor geyn doono ragaan arxanlaawayaasha ah iyagoona ciidanku ay u mahad celiyeen shacabka magaalada Boosaaso oo kala shaqeeya soo qabashada raggaan.


A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2020
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online