Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari oo sagootiyey Taliyaha ciidanka JFS S/Gaas Cabdi Xassan Maxamed Xija.[Video]

November 7, 2020 - Written by Editor

Boosaaso:-Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa maanta magaalada Bosaaso ka sagootiyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo wafdi uu hogaaminayay oo uu qeyb ka ahaa Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Dowlada Puntland Genaraal Caydiid oo mudo labo maalin ah ku sugnaa magaalada Bosaaso.
Wafdigaan ayaa saaka aroortii ka baxay magalada Bosaaso iyagooan ku si jeeday Caasimada Dowladda Puntland ee Garoowe.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed ayaa Taliska Qeybta Booliska Gobolka Bari uga mahadceliyay soo dhoweynta qiimaha badneed ee magalada bosaaso ay ugu sameeyeen intii ay jogeen halkan waxana si gaar ah ugu amaanay amniga gudaha ee magaalada Bosaaso Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud.

Dhinac kale Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar yaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, uga mahadceliyya qorshihiisa tayeenta dhismaha ciidamada Puntland.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2020
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online