Wasaaradda Maaliyada PL oo horgeysay Golaha wakiilada miisaaniyada Dawlada Puntland ee sanadka 2021

November 19, 2020 - Written by Editor

GAROOWE : Wasaaradda Maaliyada Dawlada Puntland ayaa maanta waxaa ay horgeysay Golaha wakiilada miisaaniyada Dawlada Puntland ee sanadka 2021. Miisaaniyadan Golaha la horgeeyey ayaa sanadkii dhan $341,861, 037.

Taas oo kala ah miisaaniyada laga maamulaayo khasnada Dawlada oo dhan $139,768,739 iyo miisaaniyada ka baxsan khasnada oo dhan $202,092,298 taas oo ah mashaariic ay hay’adaha caalamiga ka fulinayaan Puntland.

Ku-simaha wasiir maaliyada ahna wasiir ku-xigeenka wasaarada Eng: Cumar Xassan Fiqi oo golaha ka horjeediyey faah-faahinta miisaaniyada ayaa tilmaamay inay wasaaradu qabatay shaqooyin baaxad leh, kuwo horlehna ay qorshaysan yihiin sanadka soosocda ee 2021, wuxuuna sheegay in wax yaabaha qorahaysan ay kamid tahay hirgelinta Khasnada midaysan ee Dawlada oo laga maamuli doonaa dhamaan arimaha maaliyada Puntland oo ay kamid yihiin mashaariicda ay hay’adaha caalamiga ka fuliyaan Puntland.

Ugu dambayn Wasiir Fiqi ayaa golaha ka codsaday inay ansixiyaan miisaaniyada hortaala si loo dhaqan geliyo bilowga sanadka cusub.

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Leave a comment

*

Archives
November 2020
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online