Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Degmada Qardho oo lagu qabtay kulamo muhiim ah.

November 23, 2020 - Written by Editor

Qardho:-Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee degmada qardho Waxaa kulan ku yeeshay Kusimaha Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Keenadiid Cali jaamac, Xisaabiyaha gobolka karkaar Yasiin Cabdi Ciise, khabiirka Hantidhawrka gudaha C/lle amiiri C/lle, Madaxa hantidhawrka gudaha Axmed Cabdi Maxamed iyo masuuliyiin kale

Kulan kan ayaa looga hadlay hannaanka shaqo ee xafiiska hantidhawrka gudaha iyo tayaynta shaqaalaha.

Kulan kaasi waxaa ka hadlay kusimaha agaasimaha guud Keenadiid Cali Jaamac waxana uu uga mahad celiyay khabiir Cabdalla iyo Madaxa hanti dhawrk gudaha Puntland kormeer kooda ku aadan kor qaadista shaqaalaha Baarista gudaha.

Masuuliyiinta hantidhawrka gudaha ayaa horay kulamo ula qaatay shaqaalaha barista gudaha ee Gobolada Barri, Sanaag iyo Gardafuu tababarana ugu qabtay magaalada boosaaso.

Baahintii

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Leave a comment

*

Archives
November 2020
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online