Golaha Wakiillada Puntland 8 Xildhibaan kala noqday Xasaanada.[Video]

December 3, 2020 - Written by Editor

Garoowe:- Fadhiga 20-aad ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan, ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman iyo ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Fadhiga oo Ajandaha ahaa dhageysiga eed uu Golaha wakiillada u soo gudbisay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dawladda Puntland, tasoo laga soo gudbiyey 8 Xildhibaan oo ka tirsanaa Golaha Wakiillada oo kala ah.

  1. Xil. Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed
  2. Xil. Saleebaan Faarax Ciise
  3. Xil. Cabdiqani Abshir Jaamac ( Surato)
  4. Xil. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamud ( Dhoore)
  5. Xil. Muuse Siciid Xassan
  6. Xil. Maxamuud Maxamed Barre
  7. Xil. Cabdicasiis Siciid Maxamuud
  8. Xil. Maxamuud Axmed Caalin

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa ku soo dhaweeyay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dawladda Puntland Maxamuud Xassan Aw Cismaan oo golaha la wadaagay eed ka dhan ah Xildhibaannada kor ku xusan, waxa uuna codsaday in xasaannada laga xayuubiyo si dacwad loogu soo oogo, isagoo ku eedeeyey inay ku xad-gudbeen Dastuurka DPL iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada.

Ugu dambeyntiina 35 mudane ayaa cod gacan-taag ah ku oggolaaday, waxaana diidey 3 Mudane, halka uu ka aamusay 1 Mudane.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Leave a comment

*

Archives
December 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online