Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo Shir jaraaid ku qabtay Gaalkacyo kagana hadlay hadalo uu ka yiri Masaajidda Gaalkacyo.[Video]

December 28, 2020 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuuryare ayaa waxaa uu shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa xusay in uu alle uga towbad keenay hadal uu ka jir Aadanka oo ahaa ”Aadanka baa i dhibaya” arrinkaas oo uu ka hadlay Sh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuuryare ayaa waxaa si faahfaahsan uga hadlay xaalada dhabta ee ka jirta Masaajidda magaalada Gaalakacyo iyo weliba sababaha uu uga tukan waayey.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuuryare ayaa xusay in ilaa 48 qof lagu dilay masaajidda Gaalkacyo halka mid ka mid ahna lagu dilay ilaa 11 qof arrinkaas oo uu aad u dhibsaday wax ay culimada masaajidda Gaalkacyo ay uga hadli waayeen dilalka lagu bartilaamsanayo haldoorka Gobolka Mudug welibana lagu dilayo Masaajidda marka ay ku soo tukadaan.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuuryare ayaa xusay in hadalku uu halkaas la maray goobta uu ka hadlayeynay ay ahayd goob dil wadareed ay ka dhaceen laguna dilay masuuliyiin iyo saarkiil ciidan oo ka tirsanaa Gal-Mudug iyo Puntland.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuuryare ayaa sheegay in ay la soo hadleen culimo fara badan ayna ka codsadeen in uu ka laabto gafkii ka dhacay ee ahaa Aadanka baa i dhiba uuna aad ugu mahad celinayo wax la is yiraahdan ay ugu fiican tahay alle ka baq Allena uu uga towbadkeenay gafkaas ka dhacay.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuuryare ayaa waxaa lagu dilay magaalada Gaalkacyo walaalihii iyo qaraabadiisa halka Aabihiis uu u dhintay naxdin uu ka qaaday dil loo geystay walaalkiis oo ahaa Gudoomiyihii Gobolka Mudug ee uu bedelay.

Hoos ka Daawo shirka jaraa’id ee Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuuryare ku qabtay Gaalkacyo.

Vedio-ga Source: Dalmar Media
M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online