Gudoomiye ku xigeenka 1aaad ee Gobolka Karkaar oo la kulmay Wafdi ka socday Gal-Mudug.[Masawiro]

December 4, 2020 - Written by Editor

Qardho:-Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Gobolka Karkaar Mudane Cabdicasiis Yuusuf Caamir oo uu weheliyo Xoghayaha Xafiiska Maamulka Gobolka Karkaar Cabdirashiid Siilaanyo, ayaa kulan la qaatay Wafti ka socda Wasaaradda Arimaha Gudaha Puntland iyo Maamulka Galmudug.

Waftigaan ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay, socdaal aqoon-kororsi ah ku joogay deegaanadda Puntland, kaas la xiriira hanaanka ay u shaqeeyaan Maamuladda degmooyinka iyo Gobolka, ka wada-shaqaynta arimaha Amnigga iyo Horumarinta, Diyaarinta qorshayaasha horumarinta, wada-xiriirka xafiisyadda dawlada iyo arimo kale oo la xiriira.

Gudoomiye CabdiCasiis ayaa si faahfaahsan ugu waramay taariikhda Gobolka Karkaar, degmooyinkiisa, waxsoosaarka laga tiir-san yahay, isbedeladda dhacay 10kii sano ee lasoo dhaafay iyo hiigsigga mustaqbalka.

Waftigga ayaa uga mahadnaqay sidda loosoo dhaweeyay, waxayna xuseen in ay waxwayn kororsadeen, wixii ay Puntland ka barteen dib ugu celin doonaan deegaanadooda Galmudug.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online