Madaxweynaha PL oo shir gudoomiyey shirka Golaha Wasiirada Puntland

December 3, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay, Sarifka Lacagaha, Xeerka Cod-bixiyeyaasha Puntland, Xeerka dib-u-eegista Xafiiska Guud ee Dowladda Puntland, Saamaynta duufaantii GATI, Xaaladda Ayaxa iyo Hab-raaca samaynta siyaasadaha Hay’addaha Dowladda.

Golaha Wasiirada ayaa ansixiyey Xeerka Cod-bixiyeyaasha Puntland oo ay Golaha usoo gudbisay Guddiga Ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland, Xeerkan oo laf-dhabar u ah hirgelinta qorshaha dimuqraadiyadda Puntland waxaana loo gudbin doonaa Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa Golaha uga warbixisay cabashooyinka la xiriira sarifka lacagaha, dood kadib Shirka Golaha Wasiirada ayaa lagu go’aamiyey:

1. In laga billaabo (05 December 2020) $1 iyo wixii ka yarba aan lagu diri karin adeegyada mobile-ka ee lacag-ta danabeysan, sida SAHAL iyo E-Dahab.

2. Waxaa la faray dhammaan xafiisyada Dowladdaha hoose ee degmooyinka in cashuurta ay ku qaadi karaan Shillin Soomaali sidii ay hore u aheyd.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ka duulaya warbixin ay Golaha la wadaagtay Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada, ayaa Guddi heer Wasiiro ah u magacaabay Ayaxa iyo saameynta uu ku yeelanayo Deegaanada Puntland.

Golaha ayaa loo qeybiyay Xeerka dib-u-eegista Xafiiska Garyaqaanka Guud iyo Hab-raaca sameynta Siyaasadaha Hay’addaha Dowladda Puntland, si ay usoo akhriyaan loogana doodo kulamada danbe ee Golaha Wasiirada.

Sidoo kale waxaa Goluhu warbixin ka dhegaystay Guddiga xaaladda ka dhalatay duufaanta GATI ee saameysay deegaanada Puntland, Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa faray dhammaan Hay’addaha dowladda inay guddiga kala shaqeeyaan ka gurmadka loo fidinayo dadkii waxyeeladu gaartay.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
December 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online