Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya oo ka hadlay xiriirka Kenya.[Dhagayso]

December 1, 2020 - Written by Editor

Muqdisho:-Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa u yeeratey safiirkeedii Kenya shaley iyadoo sidoo kalena u dirtey safiirka Kenya wadatashi. Dowlada federaalka ayaa ku eedeysey dowlada Kenya in ay faragelin ku heyso arrimaha Soomaaliya iyo doorashada, ayada oo u adeegsaneysa, sida ay hadalka u dhigtay, madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

Dhinaca kalena, dawladda Kenya ayaa galabta soo saartay war-saxaafadeed ay ku sheegayso inaysan wax wargelin oo rasmi ah ka helin dawladda Soomaaliya, oo ku saabsan in safiirkeeda Lucas Tumbo uu ka baxo magaalada Muqdisho.

Kenya waxay ku sheegtay war-saxaafadeedka inay ka xuntahay go’aanka ay qaadatay dawladda Soomaaliya, ayna Kenya ay ixtiraamayso mabaadii’da caalamiga ah ee aaya-ka-tashiga ah, madaxbannaanida dhuleed iyo tan siyaasadeed ee waddan kasta gaar ahaan waddamada Afrika.

Falastiin Axmed Iiman ayaa haddaba wasiirka cusub ee Arrimaha dibada iyo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ka wareysatey xiriirka Kenya iyo dagaallada Ethiopia, ugu horeyna waxa ay weydiisey sababta ay u eryeen safiirkii Kenya, kii Soomaaliyana ugu yeerteen.


VOA

Leave a comment

*

Archives
December 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online