Wasiirka arrimaha gudaha PL oo safar shaqo ku tegay Xiriiro.[Masawiro]

December 1, 2020 - Written by Editor

Xiriiro:-Wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad ayaa safar shaqo ku gaaray Deegaanka Xiriiro ee Degmada Isku-Shuban ee Gobalka Bari

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Mudane Maxamed Dhabancad waxaa safarka ku wehlinayey Wasiiro ka tirsan Puntland, Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Bari, xildhibaano ka tirsan Puntland Maamulka Degmada Isku-Shuban.

Ujeedka safarka Waftiga uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL ayaa ku saabsan kormeer shaqo iyo Wacyigalinta dhismaha Golaha deegaanka Degmada Isku-Shuban iyo wax ka ogaanshaha baahiyaha aas-aasiga ee deegaanka Xiriira.

Waftiga uu hogaaminayey Wasiirka Waxaa Degmada Xiriiro ku soo dhaweeyey maamulka Deegaanka, odayaasha dhaqanka Iyo baqolaal kamid ah shacabka Deegaanka Xiriiro ee Degmada Isku-Shuban.

DHAMMAAD.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA FEDERALKA IYO DIMUQRAADIYEYNTA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
December 2020
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online