Guddiga Madaxweynaha Dowladda Puntland u saaray Arrimaha Sicirka Sarifka oo qodobo soo saaray.[Video]

January 16, 2021 - Written by Editor

Garoowe:- Waxaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ee caasimada dowladda Puntland Guddiga Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, u saaray Arrimaha Sicirka Sarifka waxaan ay soo saareen qodobo hoos ku xusan:-

1: In cashuurta Dekadda lagu qabto 20% Shillin Soomaali.
2: In mushaharka shaqaalaha lagu siiyo 20% Shillin Soomaali.
3:In Adeegyada Lacagta mobile-ka (Sahal iyo E-Dahab) sidoodii lagu celiyo.
4: Sariflayaasha waa inay ruqsad haystaan.
5: In cashuuraha Dowladdaha hoose Shillin Soomaali lagu qaado.
6: In Sarifka uu jaangoynayo lana soconayo Bangiga Dowladdu.
7: In Kalsoonida isticmaalka Shillin Soomaaliga ay kawada shaqeynayaan Dowladda iyo Ganacsatada.
8: In Lacagaha ku badan Suuqa ee Shillin Soomaaliga ah lagu xereeyo Bangiga Dowladda, iyo in la mamnuucay lacag Loo kala raro Gobolada.

M_M_Deeq
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
January 2021
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online