Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo ka qeyb galay Shirweynaha Dhaqaale Ururinta dhammeystirka Waddada Ceeldaahir Ceerigaabo.

January 6, 2021 - Written by Editor

Garoowe, January 6, 2021: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo uu wehliyo ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman ayaa ka qeyb galay Shirweynaha Dhaqaale Ururinta dhammeystirka Waddada Ceeldaahir Ceerigaabo.

Guddoomiyaha ayaa Shirweynaha dhaqaale ururinta waxaa kala qeyb-galay Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni, Xildhibaan, Wasiiro, Isimo, iyo qeybaha kala duwan ee dadweynaha reer Puntland.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ku deeqay 100 fuusto, Guddoomiye ku xigeenka 1aad Cabdicasiis Cabdullaahi Cusmaan 20 fuusto, Guddoomiye ku xigeenka 2aad Ismaaciil Maxamed Warsame 20 fuusto, 16 Xildhibaan ayaa mid walba ku deeqay 2 fuusto, tiradoodina tahay 32 fuusto, Xil. Cabdirisaaq Maxamed Sahal ( Macoow) 10 fuusto, Xil. Cabdiraxmaan Muuse Jaamac 10 fuusto.

Dhinaca kalena, Hawl-wadeenadda Golaha Wakiillada DPL ayaa ka qeyb-qaatay dhaqaale ururinta Xoghayaha Guud Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Xiddig Warsame ayaa ku deeqay 10 fuusto, Agaasimaha Maamulka Cabdiqaadir Cabdiraxman Maxamed ( Cadnaan) 10 fuusto, Agaasimaha Hab-maamuuska Axmed Soomaali 10 fuusto.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mundane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa u mahadceliyey dhammaan dadkii ka qeyb-qaatay dhaqaale ururinta Waddada Ceel-daahir- Ceerigaabo.


DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

246,897 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>