Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta oo ka digey dib u dhaca doorashada

January 18, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa galabta  shir Jaraa’id ku qabtay  magaalada Muqdisho waxaana uu ka hadalay arimaha doorashada dalka Soomaaliya iyo xaalada amniga qaar ka mid ah gobalada dalka 

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sh Axmed ayaa nasiib darro ku tilmaamay in doorashooyinka dalka ay ka dib dhacaan waqtigooda laguna heshiin waayey wuxuuna ku baaqay in arinka doorashada laga heshiiyo 8 bisha Feberaayo ka hor.

Madaxweyne Shariif ayaa Waxa uu carabka ku adkeeyay in wada-hadal laga yeesho khilaafka ka taagan doorashada dalka wuxuuna ku baaqay in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah .

Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale ka hadlay xaalada ammaan ee uu dalka ku jiro waxaana uuna sheegay  in meel adag uu marayo ammaanka dalka loona baahan yahay in wax laga qabto, maadaama uu sheegay in Al-shabaab ay culeys ku hayaan amniga dalka, gobalada dalkana dhib weyn laga soo sheegayo .

A/Cawale

Halgan.net

Comments are closed.

Archives
January 2021
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online