Madaxweynaha Dowladda Puntland oo kala diray Golaha deegaanka Gaalkacyo

January 12, 2021 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 01, ku kala diray Golaha Deegaanka degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Madaxweynaha Dowladda Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 123‐aad, farqaddiisa 4-aad.
Markuu arkay: Xeerka maamulka degmooyinka iyo Gobolada (Lr – 7 ) ee Dowladda Puntland qodobkiisa 27-aad, farqaddiisa 5-aad
Markuu arkay: Warbixinta Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Dowladda Puntland
Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta Puntland
Markuu tixgeliyey: Gun-gaarka Maxkamadda Sare ee ku saabsan kala dirista Golaha Deegaanka degmada Gaalkacyo.
Wuxuu Xeeriyey :-
1. Waxaa la kala diray Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo
2. Xeerkani wuxuu dhaqan-gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
=DHAMMAAD=

Leave a comment

*

Archives
January 2021
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online