Madaxweynaha PL oo daahfuray Ololaha Qof iyo Foosto oo daamur loogu ururinayo dhameystirka Waddada Ceeldaahir-Ceergaabo.[Video]

January 6, 2021 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Ololaha Qof iyo Foosto oo daamur loogu ururinayo dhameystirka Waddada Ceeldaahir-Ceergaabo.

Madasha ayaa lagu ururiyey kumanaan Foosto oo Daamur ah, Iyadoo Wasaaraddaha Iyo Hay’addaha kala duwan ee Dowladda ay ku deeqeen tiradii ugu badneyn ee daamur ah.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa muujiyey muhiimada ay Puntland u leedahay Waddada Ceeldaahir-Ceergaabo, wuxuu ku dhawaaqay in marka qaaraan ururintu soo dhammaato, ay dowladdu dhameystirayso oo bixinayso wixii soo hara.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoonka Baarlamanka Dowladda Puntland, Goleyaasha Dowladda, Aqoonyahano, Waxgarad, Ganacsato, Culimo iyo qeybaha kale ee Bulshada.


M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

246,898 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>