Puntland oo ka tacsiyeysay geerida Dr Yaasiin Faarax Cartan Beeldaaje.

January 14, 2021 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane a Siciid Cabdullahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Dowladdaba waxa uu ka tacaiyaynayaa geerida Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Wasiirkii ugu horeeyay ee Arrimaha Bulshada Puntland Dr Yaasiin Faarax Cartan Beeldaaje.

Dr Yaasiin Faarax Cartan ayaa kasoo shaqeeyay dhismaha Dowladdnimada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, wuxuu ka mid ahaa asaasayaashii Puntland, isagoo ka mid noqday Sagaalkii Wasiir ee lagu aasaasay Puntland, sidoo kale wuxuu isu sharaxay xilka Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland waxa uu tiiraanyada geerida Wasiirka la wadaagayaa ummadda Soomaaliyeed, Shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay marxuumku, waxa uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro , Jannatul fardawsana ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo eheladiisii.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
January 2021
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online