Ra’iisul Wasaaraha JFS oo booqday shaqaale dhisayey jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye oo Qarax lala beegsaday.[Masawiro]

January 2, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa caawa isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ku booqday shaqaalo ka shaqey nayay dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo weerar qarax ah ay la beegsadeen ururka Al-shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa si adag u cambaareyey weerarkaas isagoona ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in gacan siiyaan laamaha amaanka si looga hortago wax walba oo wax u dhimi kara horumarka dalka.

Dhinac kale Afhayeenka Xukuumadda dowlada Federalka Soomaaliya Maxamed Ibrahim Macallimuu ayaa sheegay in Xukuumadda ay ka go’antahay sii wadista dhismaha waddada isku xirta magalada Muqdisho iyo Afgooye waxaan uu shacabka ugu baaqay in meel loga soo horjeest ururka Al-shabaab si dalka uu u noqdo mid nabad ah horumarkiisana uu sii socdo.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

246,897 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>