Wafdi ka socoda Qaramada Midoobey oo tegay Baydhabo

January 14, 2021 - Written by Editor

Baydhabo:-Magaalada Baydhabo waxaa maaanta gaaray saraakiil ka socotay Qaramada Midoobe oo ay ka mid ahaayeen xubno ka socda Hay’adaha IOM iyo OCHA.

Saraakiisha ayaa la kulmay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen iyo golahiisa wasiirrada, iyagoo kala hadlay taageerada hay’adaha Qaramada Midoobay ee arrimaha dib u heshiisiinta, gargaarka bani’aadannimada, horumarka iyo deegaanka.

“waxaan halkan u nimid inaan dhageysanno waxa uu maamulka Koonfur Galbeed ka rajeynayo Qaramada Midoobay 2021-ka si aan uga wadashaqeyno sidii loo xaqiijin lahaa baahiyaha dadka” ayuu yiri, ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, oo hadlayey kulanka kaddib.

Isagoo maanta kula hadlayey warfidiyeenka magaalada Baydhabo, Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan waxa uu muujiyey tixgelinta uu u hayo dadaallada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen ee ku aaddan doorashooyinka dalka, waxa uuna carrabka ku adkeeyey wakiilku baahida loo qabo dereen is-afgarad iyo wada-shaqeyn si horay loogu sii socdo.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2021
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online