Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha PL oo xoghaye ku meel gaar ah u magacaabay Degmada Gaalkacyo

January 13, 2021 - Written by Editor

Garowe:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa Degmada Gaalkacyo u magacaabay Xoghaye ku meel gaar ah. Xeer Wasiir Lr.002 soona baxay 13 January 2021 kuna saabsan magacaabid Xoghaye ku meel gaar ah Dowladda Hoose Degmada ee Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Faderalka Iyo Dimuqraadiyeynta Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland
Markuu arkay: Sharciga Maamulka iyo Gobolada ee Lr.7.
Markuu tixgaliyey: Baahida loo qabo in ay Degmada Gaalkacyo ay yeelato Xoghaye.
Markuu latashaday: masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Markuu latashaday: maamulka ku meel marka ah ee Degmada Gaalkacyo
Markuu arkay aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo.
Wuxuu Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo si ku meel gaar ah ugu magacaabay Sadaam Cabdullaahi Joorje. Sida darteed, waxaa la farayaa maamulka Gobolka Mudug iyo kan Degmada Gaalkacyo in ay fuliyaan dhaqan galinta Xoghayaha Ku meel gaarka ah ee Degmada Gaalkacyo.

Fulin Wacan
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.

Leave a comment

*

Archives
January 2021
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online