Ciidamada PSF ee Puntland oo Boosaaso ku qabtay Walxaha Qarxa.[Video/Masawiro]

February 17, 2021 - Written by Editor

Boosaaso:-Ciidamada PSF ee Puntland ayaa waxaa ay howl gal ka sameeyeen xaafaddaha magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari waxaan ay ku guulaysteen in ay kaga hortagaan qaraxyo ay Al Shabaab ku diyaarinaysay goobo ku yaal magaalada Bosaso

Ciidamada PSF ee Puntland ayaa waxaa ay ku howl galeen xog iyo warbixino ay helleen waxaan ay bartilmaamsadeen goobihii ay yaaleen walxaha qarax oo ay xubno ka mid ah ururka Al-shabaab ay doonayeen in ay u adeegsadaan qaraxyo ay ka fuliyaan Boosaaso.

Saraakiisha Ciidamada PSF ee Puntland ayaa sheegay in qaraxyada ay saaka qabteen la doonayey in loo qaado Buuraha Calmadow si loogu dhibaateeyo Ciidamada difaac Puntland ee ku sugan Buuraha Calmadow ee Gobolka Bari.

Ma ah markii ugu horaysay oo ay Ciidamada PSF ee Puntland ay qaraxyo iyo xubno ka mid ah Al-shabaab ay ku qabtaa magaalada Boosaaso, Saraakiisha Ciidamada PSF ee Puntland ayaa ka codsaday dadweynaha reer Boosaaso in ay xogta la soo wadagaan haddii ay arkaan falal amaanka lid ku ah.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

251,065 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>