Ciidmada Booliska iyo Madaxtooyada Dowlada Puntland oo howl gal dhinac amniga ka sameeyey Boosaaso.[Masawiro]

February 25, 2021 - Written by Editor

Boosaaso:-Ciidmada Booliska iyo Madaxtooyada Dowlada Puntland ayaa saaka ka sameeyay Howlgalo Lagu Xaqiijinayay Amniga Jidadka iyo Suuqyada Bosaaso Taas Oo Looga Goleeyahay Amniga Guud ee magaalada Bosaaso.

Saraakiisha Ciidamada ayaa dadweynaha kula hadlaayey goob walba iyagoona ugu baaqayey in laga wada shaqeeyo Xasiloonida Degmada Boosaaso iyo in shacabka ay qaataan Awaamirta Ciidanka Booliska.

Ciidmada Booliska iyo Madaxtooyada Dowlada Puntland ayaa si joogta ah uga Shaqeeya Sugitaanka Amaanka waxayna marwalaba ay ku sugnaan doonaan goobohooda iyadoo Bulshada laga Ilaalinaayo Khalkhal Amni iyo Xasilooni Daro.

BoolisKa Gobalka Bari ayaa Fariin u diray dhamaan shacabka Boosaaso iyo Waalidiintooda taas oo ku aadan in ay sideedii tahay Awaamiirtii shalay ka soo baxday Yuusuf Cabdi Cartan oo ah ku simaha Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobalka Bari.

Ciidmada Booliska iyo Madaxtooyada Dowlada Puntland ayaa uga digay dadweynaha in ay maqlaan kuwa doonaya in ay faafiyaan been iyo arrimo lagu khalkhal gelinayo magaalada Boosaaso ayna abaabulayaan wax lagu sheegay mudaharaad aysan la socon dowladda Hoose ee magaalada Boosaaso cidii falkaas lagu qabtan la horgeyn doono sharciga.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online