Golaha Midowga Murashaxiinta oo taageeray in Shirka Wadatashiga Qaran lagu qabto Muqdisho

February 10, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu walaac xoog leh ka muujinayaa jahawareerka iyo hubanti la’aanta xaaladda kala guurka siyaasadeed ee dalka. Goluhu wuxuu ka walwalsan yahay in muddo xileedkii Hay’adaha Dastuuriga ah uu idlaaday, isla markaana uusan jirin heshiis siyaasadeed oo looga gudbo xilliga kala guurka siyaasadeed.

Sidaa darteed ayuu Goluhu ku baaqayaa in ay shir deg deg ah isugu yimaadaan dhammaan saamilayda siyaasadeed ee dalka si looga wada hadlo hirgelinta heshiiskii doorashooyinka ee 17ka September.

Golaha wuxuu taageerayaa soo jeedinta Dawlad Goboleedka Puntland, Jubbaland iyo guddoomiyaha Aqalka Sare ee ahaa in shirka lagu qabto magaalada Muqdisho, lana ballaariyo ka soo qaybgalayaasha, beesha caalamkana ay goobjoog ka ahaato.

Goluhu wuxuu caddaynayaa in mudane Maxamad C/llaahi Farmaajo uu yahay madaxweyne muddo xileedkiisii dhammaaday, shirkana uu kaga soo qaybgeli karo oo keli ah murashax la mid ah murashaxiinta kale ee u taagan xilka Madaxweynimo, haddii uusan tartanka ka tanaasulin.

Goluhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed deganaan iyo ilaalinta sharciga iyo kala danbaynta. Goluhu wuxuu ka digayaa in shacabka lagu dul hayo mas’uuliyiin muddo xileedkoodii dastuuriga ahaa uu dhammaaday.

—–DHAMAAD——

Leave a comment

*

Archives
February 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online