Golaha Midowga Musharraxiinta oo ku Baaqay Banaanbax kale.[Video]

February 22, 2021 - Written by Editor

Muqdisho:-Gudoomiyaha Midowga Musharaxiinta ahna Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sh Shariif Sh Axmed ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdish ee caasiamda dalka Soomaaliya waxaa uu ugu baaqay bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho in ay ka soo qayb galaan banaanbax mar kale lagu qaban doono Daljirka Dahsoon.

Gudoomiyaha Midowga Musharaxiinta Midowga ayaa sheegay in xaq dastuuriya ay tahay in ay banaanbaxaan oo si nabad gelyo ah ay u muujiyaan in dalkaan ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah loona dhan yahay waxaan uu xusay in maalinta jimacaha oo Taariikhdu ay tahay 26 Feberaayo oo isku soo buxu ka dhici doono Daljirka Dahsoon.

Ku dhawaaqida Golaha Midowga Musharraxiinta aymar kale ku baaqay inay qabanayaan bannaanbax nabadeed oo ka dhacaya taalada Daljirka Dahsoon ayaa ku soo beegmaya iyadoo weli dowladda federaalka Soomaaliya ay diidan tahay in wax isku soo baxa ama isku imaad laga sameeyo Muqdisho xili cudurka Cov19 uu soo laba kacleyey mar kale sidda ay saxaafadda la wadaageen masuuliyiin ka tirsan dowladda.

Ciidanka Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa is hor istaag ku sameeyey Bannaanabaxii ay hore ugu dhowaaqeen Midowga musharraxiinta maalintii Jimcaha ee 19-ka Febraayo taas y ka dhalatay iska horimaad hubaysan oo dhaliyey khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ah.

Hoos ka daawo shirka jaraa’id ay Gudoomiyaha Golaha Midowga Musharraxiinta ay ku baaqeen Muqdisho.

Dhinac kale Gudoomiyaha Xibiga Wadajir Abdirahmaan Abdishakuur Warsame ayaa isagan ku celiyey in ay qabanayaan banaanbax kale maalinta Jimacaha ah 26 Feberaayo isagoona u mahad ceilyey Madaxweynayaasha Puntland iyo jubbaland oo iska diiday hogaan ku dhisan kaligiis talisnimo iyo caburin.

Hoos ka Daawo shirka Jaraa’id ee Gudoomiyaha Xibiga Wadajir Abdirahmaan Abdishakuur Warsame.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay masuuliyinta Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan Banaanbax ay ku baaqeen Golaha Midowga Musharraxiinta maalinta Jimcaha ah ee Taariikhdu tahay 26 Feberaayo.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2021
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online